|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- Waxaa maanta ka dhacay hoolka ADC-da ee magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kulankii caadiga ahaa ee xildhibaandaa baarlamanku ay halkaasi ku yeelan jireen maalin walba, iyadoo kulankii maantana uu shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa.
Kulanka maanta ayaa 31 ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb galay waxay u soo gudbiyeen guddoonka baarlamanka gacantana ka geliyeen mowshin ka dhan ah xukuumada Nuur Cadde oo ay ka kaga dalbanayaaan iney xilka iska casisho ka dib markii ay ku eedeeyeen Dowladda in si qaldan loo maamulay, looguna takri falay dhaqaalhii Soo galay Dowladda iyo in xukuumadu ku guuldareysatay iney baarlamanka horkeento miisaaniyadeeda.
Xildhibaanad Nasro Cabdisalaan Aadan oo ka mid aheyd xildhibaanada maanta gudbiyey mowsginka ka dhanka ah xukuumada Nuur cadde ayaa ku eedeeysey iney ku takri fashay daqligii Qaranka soo galay, kuna xad gudubtay axdiga ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, isla markaana si bareer ah u baabi段say una karaamo tirtay bankigii dhexe ee Soomaaliya ee oo ay ku tilmaantay bay tiri xukuumadu inaan lagu kalsoonaan karin, taasoo keentay in xisaabtii Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya lagu shubo sanaadiiq aaney cidina ogeyn waxa soo galaya iyo waxa ka baxaya, waxayna xustay in xukumada noocaas ah aaney u qalmin iney sii shaqeyso xiligan adag ee dalku marayo loona baahan yahay in xilka laga qaado.
Mowshinkan ka dhanka ah xukuumada Nuur cadde ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf ka dhex aloosan yahay mas置uliyiinta sara ee xukuumada Soomaaliya gaar ahaan madaxaweynaha iyo ra段sul wasaaraha kaasoo ku aadan markii maadxweynuhu uu diiday inuu saxiixo wareegto ka soo baxday xafiiska Ra,isul Wasaaraha oo xilka looga qaadayey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Maxamed Dheere.
|